Guddiga Doorashada Somaliland oo sheegay in Doorashada Golaha Shacabka ku dhaceyso waqtigeeda

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

Guddoomiye Khadar Xariir Xuseen ayaa tilmaamay in Guddiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay isla garteen in labada isbuuc ee soo socota doorashooyinka si fiican oo hufan ay u bilowdaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa Carabka ku dhuftay in la isla gartay in goobta doorashada la soo qiimeeyo, isla markaana Odayaashii iyo ergadii soo xuli lahaa Xildhibaanada la dadejiyo, lana dardar-geliyo howlaha doorashooyinka.

“Waxaa la isla qaatay in labada isbuuc ee soo socota doorashooyinka si fiican oo hufan ay u bilowdaan, waxaa la isla qaatay in goobtii doorashada la soo qiimeeyo Odayaashii iyo ergadii soo xuli laheedna la dadejiyo , iyo in kuraasta ugu horeesa ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudahood la islana gartay qorshe hoowleed dhamees tiran oo ku qotama shaqa walba iyo xiligalaqaban doono” ayuu yiri Guddoomiye Khadar Xariir.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa sheegay in ay ballan qaadayaan in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin si fiicana ay u qaban doonan.

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay bilaaban doonto maalmaha soo socda, taasina ay ku heshiiyeen Mahdi Guuleed iyo Guddiga doorashooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor