Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay inay berri qabanayaan Doorashada kuraas

Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta shaaciyay inay berri qabanayaan doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay berrito Magaalada Muqdisho ka dhaceyso doorashada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255.

Guddiga doorashada ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiin dhowr ah oo u tartamaya kuraasta la shaaciyay, iyagoona diiwaan-geliyay Musharaxiin, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxnimo ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddiga ayaa dhammaan Warbaahinta iyo Goobjoogayaasha doorashada dhaceysa ku wargeliyay inay is diiwaan-geliyaan, si ay uga qeyb galaan doorashada saddexda kursi ee ka dhaceysa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa hakad gashay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, balse xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada ee hakadka geliyey….

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor