Guddiga doorashada Somaliland oo Markii ugu horeysay shaaciyay magacyada oday dhaqameedka soo xulaya Ergada

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa markii u horeysay shaaciyay magacyada oday dhaqameedka iyo bulshada rayidka ee soo xuli doono Ergada dooraneysa illaa shan kursi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waa doorashadii u horeysay ee si cad uga ka muuqdo habraacii lagu heshiiyay 22 Agosto, marka loo eego doorashadii Golaha Shacabka ee ka dhacay Baydhabo, Dhuusamareeb iyo kuwii lagu doortay Muqdosho oo si weyn looga hortimid habraacii loo maray oo ahaa mid mugdi ku jiray.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor