Guddiga Doorashada Somaliland Garabka Mahdi Guuleed oo Guddoon doortay

Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa goor dhow Guddoon ku doortay Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ee is-doortay oo ka koobnaa 7-xubnood ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, iyagoona cod gacan taag ugu codeeyay, isla markaana waxaa uu helay 7 Cod, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Najiib Xuseen Samaale iyo Amal, waxaana ku-xigeenka Guddoomiyaha loo doortay Najiib Xuseen oo helay 6 Cod.

Doorashada ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqnaa xubnaha afarta ah ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo aan ka qeyb gelin doorashada.

Afarta xubnood oo mid ah Guddiga doorashada ayaa diiday inay ka qeyb galaan doorshada hoggaanka Guddiga, waxaana guul-dareystay dadaalo socday oo lagu doonayay in lagu xaliyo tabashada garabka Cabdi Xaashi, balse laguma guuleysan.

Goobta ay ka dhaceysay doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Waaiir ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiiu-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor