Guddiga Doorashada oo soo saaray qorshaha Howlgalka Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa soo saaray qorshaha lagu howlgalayo ee doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soonaaliya.

Guddiga oo Qoraal soo saaray ayaa ku sharaxay sida qaabka soo xulida ergada meelaha deegaan doorashada ah, shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kuraasta, tirada ergo ee dooraneysa kuraasta taala dowlad Goboleedyada iyo deegaan doorashadooda.

Codbixinta doorashada ayaa waxaa ay soconeysaa 20 maalmood, iyada oo ka dhaceysa 12 degaan doorasho iyo 18 goobood oo codeynta ee laga hirgelinayo maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Qorshaha howlgalka doorashada kama dhigna jadwalka doorashada, balse waxaa ay u muuqataa qorshe bilow u ah howlaha doorashada iyo sidii loo ambaqaadi lahaa.

Hoos ka Akhriso Qorshaha howlgalka doorashada Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor