Guddiga Doorashada oo soo saaray farriin ku socota dhammaan Musharaxiinta Madaxweynaha

Guddiga isku dhafka labada Aqal ee doorashada Madaxweynaha ayaa Goor dhow soo saaray farriin ku socota dhammaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad e Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa Musharaxiinta looga dalbaday inay kasoo Jawaaban Codsiga Guddiga ee ah in Musharrax kasta Madaxweyne uu Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka doorashada.

Guddiga ayaa tilmaamay in Musharaxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan suuragal noqon doonin inuu howlka doorashada soo galo qof la socda, waxaana Musharaxiinta laga Codsaday ugu dambeyn inay magacyada soo gudbiyaan 12:30 Duhurnimo ee maanta.

“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka. Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30 Am (duhurnimo) ee maanta” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Guddiga.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Axad ah ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana xilka Madaxweynaha u tartamaya 39 Musharax, iyada oo ay socdaan ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor