Guddiga doorashada  oo Maamul Goboleedyada qaar faray in 48 saacadood ay warbixin kusoo gudbiyaan

Guddiga doorashooyinka Heer Federaalka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashada Aqalka sare iyo Golaha shacabka,oo dalka si toos ah uga billaawday, gaar ahaan magaalooyinka dowlad Goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa farriin u diray Maamul Goboleedyada ah: Hirshabeelle,Pyntland iyo Jubbaland, waxaana ay fareen in sida ugu dhaqsiyaha badan in ay billaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa ay u qabteen in muddo 48 saacadod gudahood ah ay ay kusoo gudbiyaan warbixin dhammeystiran.

Waxaana si gaar loo faray in ay Bulshada Soomaaliyeed u caddeeyaan haddii ay jiraan Caqabado ka haysta guda galidda Doorashada.

Hoos ka akhriso War-saxaafadedka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor