Guddiga Doorashada lagu muran yahay ee Galmudug oo la xareeyay

Guddiga Doorashada ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saakay lagu xareeyay hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho oo shalay halkaas dowladda Federaalka dejisay Guddiyada doorashada ee maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweye Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday in Guddiyada la xareeyay aan lagu darin Guddigii uu magacaabay, isla markaana uu imaanayo Magaalada Muqdisho, maadaama Guddigaas uu ka taagan yahay muran.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Dalsan ayaa sheegaya in Qoorqoor uu saqdii dhexe ee xalay ku wargeliyay xubnaha Guddiga ee uu magacaabay inay ku xaroodaan hotelka Peace oo la dejiyay Guddiga doorasho ee Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiyada  doorashada ee heer maamul Goboleed la xareeyay ayaa Maanta waxaa loo bilaabay tababar ku aadan howlaha doorashada, iyagoona dhawaan la filayo inay doortaan Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Tallaabada Madaxweyne Qoorqoor ku go’aansaday in la xareeyo Guddigii doorashada ayaa meesha ka saareysa waanwaantii uu maalmihii lasoo dhaafay ka dhex waday madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo khilaaf xoogan uu dhexeeyo.

Dhinaca kale maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo gudbin Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, xili uu taagan yahay muran xoogan, waxaana Musharaxiinta ay siweyn uga soo horjeedan Guddiyada la magacaabay oo ay ku tilmaameen inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media