Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay qabashada Doorashada 11 kursi

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shaaciyey qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyay Liiska 11 kursi oo kamid Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda lagu wado in doorashadoodu ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kuraasta lasoo saaray ee doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP184, HOP253, HOP231, HOP002, HOP176, HOP046, HOP156, HOP159, HOP056, HOP050 iyo HOP085, kuwaasi oo ay ku fadhiyeen Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horey u qabtay doorashada Golaha Shacabka, waxaana Baydhabo lagu doortay in ka badan 10 XIldhibaan oo kamid noqday Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, halka kuwo kalena ay weli harsan yihiin.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale u bilaabay Maamulka Galmudug iyo Jubbaland, halka weli aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka maamulada Hirshabeelle iyo Puntland oo soo saartay oo kaliya kuraasta ugu horreeysay ee doorashada….