Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo qabanaya Doorashada kuraas hor leh

Guddiga hirgelinta doorashada SEIT ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraas hor leh oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulkaas.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay qabanayaan doorashada 5 kursi oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka, waxaana kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hop188, Hop185,175, Hop159, iyo Hop177, waxaana kuraasta ku fadhiyey Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee waqtiga ka dhammaaday.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan doorashada kuraasta lasoo saaray oo ka dhici doonta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyada oo la diiwaan-gelin doono Musharaxiin u tartamaya kuraasta.

Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si dardar leh ku wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka, waxaana Baydhabo lagu doortay in ka badan 20 Xildhibaan oo kamid noqday Golaha Shacabka, halka kuwo kalena ay weli harsan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor