Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo Codsi u diray Madaxweyne lafta-gareen

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay Shaxda Doorashada Golaha Aqalka Sare oo dhawaan ka bilaabanaysa magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddigaasi Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo Radio Muqdisho uga Waramay sida ay wax u socdaan ayaa sheegay inay diyaariyeen goobihii lagu qaban lahaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee dalka.

Yuusuf Cabdulqaadir ayaa xusay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay u gudbiyeen Codsi ah sidii uu ugu soo gudbin lahaa magacyada liiska musharaxiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada hee dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed Mudane Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada ay ku dhacdo si nabdoon

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor