Guddiga Doorashada Jubbaland oo shaaciyay 14 kursi oo dhawaan la dooran doono

Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay 14 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka,kuwaasi dhawaan si toos ah doorashadooda la guda galo.

Warqad kasoo baxday Guddiga ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ay soo gudbiyeen 14 kursi oo ka mid ah 43-ka Kursi ee maamulkaas laga soo dooran doono.

Horay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa farriin adag u diray maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hishabeelle, kadib markii la faray in 48 saacadood gudahood ay warbixin ku keenaan.

Sidoo Kale Guddiga ayaa dib u dhaca doorashada dusha ka saaray Seddexda Dowlad Goboleed.

“Dib u dhaca ku yimaada doorashada, waxaa masuuliyadeeda qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaran, oo siyaasiyan dhankooda uga xanniban tahay howshu” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaran inay gutaan masuuliyadooda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo la raacayo habraaca iyo hannaanka howhada doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada” ayaa lagu yiri Qoraal saacado ka hor ay soo saareen Guddiga doorashada Heer Federaal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor