Guddiga Doorashada Jubbaland oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland ayaa Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee shalay la magacaabay kulan kula qaatay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Labada Guddi ee doorashooyinka Jubbaland ayaa ka wada hadlay sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey ee Gedo iyo Jubbada Hoose.

Sidoo kale Guddiyada ayaa balan qaaday in doorashooyinka Jubbaland ay ku dhici doonaan si xor iyo xalaal ah, isla markaana lagu qaban doono wakhtigii saxda ahaa ee loo asteeyay inay ku dhacaan doorashooyinka dalka.

Guddomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Maxamad Cabdiraxmaan ayaa shalay magacaabay Guddiga doorashada xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo ka kooban 9-xubnood.

Doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ama Senatorada ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 25 ka illaa 28 ka bishan, sida ku cad Jadwalkii ay shaaciyeen Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor