Guddiga doorashada Jubbaland oo kulan ka yeeshay kuraas ay dhawaan shaaciyeen

Xubnaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa maanta kulan isugu yimid xaruntooda magaalada Kismaayo.

Kulankan waxaa gudoominayay gudoomiyaha guddiga SEIT Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal waxaana dhamaan goob joog ahaa xubnaha kale ee guddiga.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankan looga arinsanayay ayaa ahayd in guddigu diyaar u yahay maalmaha inagu soo wajahan qabashada doorashada qayb kamida kuraastii dhawaan ay shaaciyeen waxayna hadda ku howlanyihiin diyaarinta iyo isku dubaridka howlaha baaxadda leh ee horyaala.

Dhawaan ayay ahayd markii Guddigu shaaciyen kuraas ka tirsan Golaha shacabka, kuwaasi oo dhawaan lagu dooran doono Magaalada Kismaayo ee  xarunta ku meel garka u ah dowlad Goboledka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor