Guddiga Doorashada Jubbaland iyo QM oo ka wada hadlay Doorashada Golaha Shacabka

Gudigga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maanta xaruntooda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku qaatay  Wafdi ka socdey Xafiiska Qaramada Miboobey ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Dr Magnus Bajarnasoon.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen dardar galinta howlaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan doorashada Aqalka hoose oo dhawaan ka bilaabanayso deegaanada Jubbaland.

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen Gudigga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo wafdi ka socday Qaramada Miboobey sidii Gudigga Doorashooyinka Jubbaland ay howlahooda shaqo usii laba jibaari lahaayeen.

Beesha Caalamka ayaa horey Madaxda maamul Goboleedyada dalka uga dalbatay inay bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo labadii Xildhibaan ee ugu horreeyay Gobolada Waqooyi ee Somaliland la doortay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor