Guddiga Doorashada oo hakiyey Doorashada kursiga uu ku fadhiyey Jawaari

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa hakiyay doorashada Kursiga Hop103 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, kaddib markii laga hor istaagay inuu kuraas u tartamo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu isku raacay in la hakiyo doorashada Kursiga tirsigiisu yahay Hop103 oo uu Jawaari ka keenay cabasho hanaanka loo marayo doorashada kursigaas.

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa guddoonka iyo Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed faray in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe, isla markaana laga soo gudbiyey cabasho.

“Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka  Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada.

Ugu dambeyn Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa tilmaamay in amarka hakinta Kursiga tirsigiisu yahay Hop103 uu soconayo illaa inta Guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor