Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo Guddoon doortay

Guddiga doorashada lagu muran yahay ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Gobolada Waqooyi ee Somaliland kuna xareysan Hotelka Decale ee ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde ayaa Maanta kulan yeeshay.

Guddigaan oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, iyagoona isla dhex doortay Guddoonka Cusub.

Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaanada Federaalka ee Gobolada Waqooyi, halka ku-xigeenkiisa loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Guddoonka Cusub ee Guddiga Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay dhici laheyn Doorashada Xildhibaanada labada Aqal.

Guddigan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kamid yahay Guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay, isla markaana ay kasoo horjeedan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

21 bishii November ayay aheyd markii warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lagu magacaabay Guddi ka kooban 8 xubnood oo maamuli doona doorashada xubnaha xildhibaannada ee Gobollada Waqooyi, waxaana xiligaan taagan khilaaf u dhexeeya Cabdi Xaashi iyo Madaxda dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media