Guddiga doorashada Banaadiriga oo Guddoomiye Cusub doortay

Guddiga doorashada Banaadiriga ayaa maanta doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen, waxaana labada mas’uul lagu doortay kulan ay yeesheen Guddigu.

Guddigaan oo ahaa Guddiyadii Xukuumadda magacawday ayaa maanta doortay Guddoon, waxa guddoomiye loo doortay Sacdiyo Aweys Cali Boolaay oo ka mid ahayd guddiga, waxaana Guddoomiye ku xigeenka Guddiga loo doortay Maxamed Xaaji Maye.

Guddiga doorashada ayaa dhawaan si toos ah u guda gali doona arrimaha doorashada, iyadoo ay xusid mudan tahay wali uu jiro cabasho laga muujinayo guddiga la doonayo in ay ka shaqeeyaan doorashooyinka soo aaddan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media