Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo kulan ka yeeshay cabasho ka timid Xildhibaanada

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga mudane xil.Yuusuf Geelle Ugaas.
Ajandaha kulanka Ayaa ahaa in la falanqeeyo warqad Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga timid Guddiga oo ku saabsaneed cabasho ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada BJFS taasi oo aheyd in is hor istaag lagu sameeyey isu socodkooda si aan munaasab aheyna loola dhaqmay.
Guddiga oo Arinkaas ka Duulaaya waxay iclaamiyeen in kulan wadajir ah la qaataan Guddiga amniga kadibna Gudi farsamo lasoo magacaabo oo ka socda labada guddi si baaritaan sax ah loogu sameeyo arintaas dhacday iyo cida Amarkaas bixisay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor