Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyay Warbixin

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u soo gudbiyay Warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta Gedo.

Afhayeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen waajibaadkii loo igmaday.

“Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka, isaga oo jeediyay khudbad taabaneysa dhinacyo kala duwan kadib munaasabad uu kaga guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, talo soo jeedino ay u ku talinayaan si ay doorasho uga qabsoonto Garbahaareey” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, waxaana ay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor