Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo Maanta gaaray Garbahaarey

Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Guddiga oo ah Wasiiro maamul Goboleed ah ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuiliyiinta Garbahaarey iyo xubno kale, iyagoona intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Maamulka degmada.

Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa bilaabaya howsha loo idmaday oo ah inay dib u heshiisiin u sameeyan Bulshada degmadaas iyo cid kasta ah oo quseysa, si ay uga dhacdo Doorashada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Guddiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Garbahaarey iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadam, isla markaana dib-u-heshiisiin u saameynaha, maadaama loo xilsaaray arrimahaas.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Galbeed Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Aadan Cismaan Xuseen.

Arrinta Gobolka Gedo ayaa kamid aheyd Qodobada uu khilaafka xoogan ka taagnaa qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana sigaar ah isugu haayay Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, iyadoona halkaas la geeyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda.