Guddiga dib u eegista Habraaca Doorashada oo Maanta kulan yeelanaya

Guddiga ka kala socda Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta ee loo xilsaaray turxaan bixin loogu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraaca doorashada Golaha Shacabka ayaa Maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshan Magaalada Muqdisho.

Guddigaan ayaa sigaar ah Maanta uga wada hadli doona Arrinta soo xulida ee Ergada ee Odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban Lix ayaa waxaa saddex kamid ah ay ka socdaan Midowga Musharaxiinta oo kala ah C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan iyo Dahir Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Madaxweyne Saciid Deni, C/casiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.

Kulamo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Musharaxiinta ayaa la isku afgartay in turxaan bixin lagu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraacii lasoo saaray oo ay diidmada ka keeneen Midowga Musharaxiinta.

Qodobo ku jira habraacii doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa qaarkood awood dheeraad ah siinaya Madaxda maamul Goboleedyada, waxaana kamid ah Arrinta soo xulida ee Ergada ee Odayaasha dhaqanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor