Guddiga Daladaha Waxbarasho Dalka oo ka warbixiyay Natiijada Imtixaankii Dugsiyadda

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa maanta la kulmay Xubno ka socda Guddiga Daladaha Waxbarasho ee Dalka.

Kulanka ayaa Guddiga Daladaha Waxbarasho looga xog-wareystay kaalinta iyo doorka ay ku lahaayeen imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiga Sare 2019-2020.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Shariif Maxamed Cabdalla, isagoo ka warbixiyay arrimo ku saabsan Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020.

Imtixaankii Sanadkaan la qaaday ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan, kadib markii Arday farabadan ay u dhaceen Imtixaanka, waxaana Natiijada Imtixaanka  ka hor yimid Dalladaha waxbarashada, iyagoo sheegay in aaan si Caddaalad ah loo sixin.