Goodax Barre “Kiiska Ikraan ma noqon doono mid si dhaqsi ah meel la isaga tuuro”

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, hadalkaasi oo ku aaddan In Ikraah Tahliil ay u gacan gashay Al-shbaab oo ay dileen.

Waaxaa uu sheegay Goodax Barre in warka kasoo yeeray Taliska Nabadsugidda, waa nasiib darro weyn oo dalkaan ku habsatay in maanta aan lagala saari karin ficillada Alshabaab iyo Hay’addii Sirdoonka Qaranka.

“Waa arrin murugo iyo naxdin leh warka kasoo yeeray Taliska Nabadsugidda, waa nasiib darro weyn oo dalkaan ku habsatay in maanta lagala saari karin ficillada argagixisada Alshabaab iyo Hay’addii Sirdoonka Qaranka” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu intaasi ku daray Goodax Barre in Kiiska Ikraan uu kula Xisaabtami doono Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, isagoo carrabka ku dhuftay in marnaba kiisku uusan noqon doonin mid si dhaqsi ah meel la isaga tuuro, illaa caddaalad ay hesho marxuumad Ikraan.

“Waxaan hubaa oo aan shaki iiga jirin in aan kula xisaabtami doonno kiiskan oo uusan noqon mid si dhaqsi ah meel la isaga tuuro, illaa aan soo helno caddaaladda Ikraan” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdullaahi Goodax Barre.

Hadalkii kasoo yeeray Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa noqday mid hadal hayn badan dhaliyay, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay sheegeen in Al-shabaab aysan dilin Marxuumad Ikraan Tahliin Balse ay ku maqan tahay gacanta dowladda, iyadoo shaki galiyay warkii shalay la baahiyay ee ku aaddanaa in ay u gacan gashay Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor