Goobta uu ahaa Bartilmaameedka Qaraxii Muqdisho oo la shaaciyay

Qarax loo adeegsaday Gaariga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa saakay lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliya oo ku taalla kasoo horjeeda Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga wada maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib sidoo kale la maqlay rasaas badan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa Bar Koontaraal oo ay ku leeyihiin agagaarka Dekadda.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Qaraxii lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliya ee degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxii saakay uu ahaa xarunta Ilaalinta canshuuraha, hayeeshee Ciidanku ka hortageen, isla markaana uu socdo baaritaano kala duwan.

Ugu yaraan shan Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, halka uu dhintay ruuxii gaariga waday, waxaana Askarta dhaawacantay la   geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media