Goobaha Ganacsiga Magaalada Garoowe oo hal arrin Maanta u xiran

Waxaa Maanta oo si sabti ah xiran dhammaan goobaha Ganacsiga iyo Suuqyada kala duwan ee ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, xili uu Maanta Banaanbax ka dhacay halkaas.

Sababta loo xiray goobaga Ganacsiga Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii Ganacsatada Magaaladaas ay diideen inay qabtaan lacagta Shillin-ka Soomaaliga ah oo dadka ay wax ku iibsadaan.

Sidoo kale dadka Magaalada ayaa tilmaamay inuu jiro Sicir barar xoogan oo laga dareemayo Suuqyada, isla markaana arrintaas ay caqabad weyn ku noqotay qoyska dantyar ee halkaas kunool.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ganacsatada ay sheegeen in maamulka Puntland uu diiday inuu Cabshuurta ku qaado Lacagta Soomaaliga ah, isla markaana go’aankaas uu qeyb ka yahay sicir bararka dadka ay dareemeen.

Dhinaca kale boqolaal shacab ah oo isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa saakay Magaalada Garoowe ka dhigay banaanbax ballaaran oo uga soo horjeedan Sicir bararka iyo diidmada Ganacsatada ee Lacagta Shillin-ka Soomaaliga ah.

Banaanbaxayaasha ayaa xiray waddooyin ku yaalla Caasimadda Puntland ee Garoowe, sidoo kalena fujiyay Sawiraddab Madaxweyne Saciid cabdullaai Deni, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aadan banaanbixii Maanta dhacay.