Goobaha Ganacsiga Magaalada Gaanacyo oo xiran iyo sababta keentay

Inta badan goobaha Ganacsiga iyo kuwa Waxbarashada ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmudug ayaa Maanta oo Arbaco ah xiran, waxaana faah faahin laga helayaa sababta keentay xirnaashaha.

Laamaha amniga Gaalkacyo ayaa xalay soo saaray amar ku socda Ganacsatada oo lagu faray inay xiraan goobaha Ganacsiga Magaalada, isla markaana Ganacsatada ka qeyb qaatan banaanbax ka dhacaya halkaas.

Abaabulka banaanbax lagu taageerayo howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ee Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug ka wadaan Mudug ayaa ka socda Gaalkacyo, kaasi oo ka qeyb geli doonaan dadka deegaanka.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujiyay in dadka deegaanka qaarkood ay sii tagayaan goob loo Asteeyay inuu ka dhaco banaanbaxa lagu taageerayo howlgalka Ciidamada, isla markaana looga horjeedo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug ka dhacaayay dagaalo iyo duqeymo diyaaradeed, waxaana xusid mudan in Shabaabka lala wareegay degaano ay uga sugnaayeen Gobolka, halka dhankooda ay qabsadeen degaano, kadib dagaalo dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor