Goob lagu baaro COVID-19 oo laga hirgeliyay Magaalo ku taalla Puntland

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ay ka furtay shaybaarka lagu baaro Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay deegaanada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faraax Xasan ayaa magaalada boosaaso kaga qaybgalay daahfurka shaybaarkan oo laga daahfuray qayb ka mid ah cisbitaalka Boosaaso.

Wasiirka ayaa bogaadiyay in uu boosaaso ka furo shaybaarkaan lagu baarayo Covid19 kaas oo noqonaya kii labaad oo ay ka hirgaliyaan Puntland, uuna qayb ka qaadan doono baaritaanka dadka xanuunka laga baarayo kaasi oo hada wixii ka danbeeya laba shaybaar lagu samayn doono.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyay cid kasta oo ka qaybqaadatay helitaanka shaybaarkaan sida dawlada Emaratka Carabta, Hay’dda WHO iyo WV.

Wasaaradda ayaa sidoo kale wasaaradda ay gacanta ku haysaa in magaalada Galkacayo laga hirgaliyo shaybaarka saddexaad taas oo ka dhigi doonta in saddex shaybaar oo casriga laga hirgaliyo Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media