Golaha wasiirrada Faransiiska oo ansixiyay hindise-sharciyeed Caqabad ku ah Muslimiinta

Golaha wasiirrada Faransiiska ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed looga gol leeyahay in wax looga qabto xagjirnimada Islaamka kaddib weerarradii is xigxigay ee dhowaan ka dhacay dalkaas.

Sharcigan oo ah mid uu muddo dheer Madaxweyne  MacEmmanuelron ku doonayay in lagu joogteeyo aragtiyada cilmaaniga ku dhisan, ayaa xoojinaya shuruucda waxbarashada guryaha iyo hadallada nacaybka ku dhisan.

qaar oo ka soo horjeeda sharcigan, oo ku sugan gudaha Faransiiska iyo dibaddaba ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay sharcigan u adeegsaneyso in lagu beegsado diin.

Balse Ra`iisul Wasaare Jean Castex ayaa ugu yeeray “sharci difaacid ah” kaas oo Muslimiinta ka xoreyn doonto xagjirnimada.

Wuxuu ku adkeystay in hindisahan “aanan looga soo horjeedin diin amaba uusan gaar ahaan ka dhan ahayn Islaamka”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media