Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo Maanta kulan yeelanaya

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa kulan ku yeelanaya Golaha Wasiirada maamulkaasi,iyagoo ka doodi doona qodobo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in uu Shir Guddoomiyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana ka soo qeyb galaya inta badan Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Golaha Wasiiradda Hirshabeelle waxa ay dood ka yeesheen xeer hoosaadka golaha wasiirrada, iyadoo dood dheer kadib ,lago aamiyay in kulanka xiga la meel mariyo,waxaana lagu wadaan in golaha Maanta ay meel mariyaan.

Sidoo kale Shirka Golaha ayaa qodobadii looga hadlay axadii la soo dhaafay waxaa ka mid ahaa arrimaha Amniga Hirshabelle iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee deegaannada hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle iyo arrimo kale.

Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulanka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle,iyadoona amniga aad loo adkeeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media