Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2021

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

Kulanka ayaa waxaa dood iyo falan-qayn dheer ka dib Golaha Wasiirada ku ansixiyeen Miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay Golaha, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:

Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka Maamulka ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%,  waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:

1-Amniga

2-Caddaaladda

3-Caafimaadka

4-Waxbarashada

5-Wax-soo saarka

6-Deegaanka

7-Tamarta

8-Maamul wanaaga

9-Doorashooyinka

10-Ictiraafka

“Miisaaniyad sannadeedka 2021-ka waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee Maamulka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeelato, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa Golaha wakiillada Somaliland si ay u ansixiyaan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media