Golaha Wasiirada oo la horgeynayo Xeerka Maamulka Ganacsiga Batroolka dalka

Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa dhawaan qorsheyneysa in Golaha Wasiirada Xukuumadda horgeyso xeerka maamulka Ganacsiga Batroolka dalka, sida uu shaaciyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore sheegay in wixii ka dambeeyay muddadii dalka burburka ilaa iyo hadda ay Shildaalka dalka  gacanta ku hayaan Ganacsato Soomaaliyeed oo maamula, ayna sii qeybiyaan.

Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in Shidaalka lagu iibiyo dalka Soomaaliya uu lamid yahay kan lagu iibiyo Caalamka, isla markaana Shidaalka xiligaan uu ku yimid sare u kac ballaaran, uuna isbedel ku yimid qiimihii lagu iibin jiray, taasina ay keentay inuu qaali noqdo.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Batroolka Xukuumadda ayaa Carabka ku dhuftay in 20 L ee Shidaal la iibiyo 15 Dollar, isagoona caddeeyay in dalka uu yaalo Shidaal, hayeeshee qiimihii la jiibin jiray oo kaliya isbedelay, arrintaasna ay keentay hadal-heyn farabadan.

Isaga oo sii hadlaayay Carabay ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan talashiyo kala duwan oo ku aadan sidii Golaha Wasiirada loo horgeyn lahaa xeerka maamulka Ganacsiga Batroolka dalka oo loogu tala-galay in lagu isticmaalo Shidaalka dalka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa darawalada Mooto Bajaajta iyo gaadiileyda BL-ka ay ka cabanayeen sare u kac ballaaran oo ku yimid qiimaha lagu iibiyo Shidaalka ee Magaalada Muqdisho, halka gaadiileyda lacagta lagu raaco gaadiileyda ku kordhiyeen dadweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor