Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga Cunaqabateyn Maaliyadeed iyo sharci kale

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa lagu ansixiyay laba hindise sharciyeed.

Inta uu socday Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyay sharciyada kala ah sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman iyo Sharciga Nidaamka Maaliyadeed ee Khayraadka Dhulka Hoostiisa.

Sharciyadaan ayaa ahmiyad gaar ah u kala leh dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo maamulka nidaamka maaliyadeed ee qodista khayraadka dhulka hoostiisa ah, sida  uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale

Wuxuu sheegay Afhayeen Farxaan in ujeedka loo ansixiyay Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman uu yahay in dowladda Soomaaliya ay yeelato nidaamyo cunaqabateed oo maaliyeed oo adeg, kuwaasi oo uu xusay inay dowladda u ogalaanayaan inay hirgeliso cunaqabateynta dadka lagu tuhmo maalgelinta Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor