Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta ansixiyey sharci cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyey Shirka khamiislaha ee Golaha Wasiirada Maamulka oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga deegaanada Maamulka, iyo dardargelinta Qorshiyaasha loogu adeegayo shacabka Maamulkaas.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka ayaa Warbixino kala duwan oo la xiriira shaqooyinka Wasaaraddaha la siiyay Madaxweyne Lafta-gareen, isagoona ku boggaadiyay Wasiirada sida ay wadaan shaqooyinka.

Inta uu socday Golaha Wasiirada ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Ansaxiyey sharciga Biyaha oo ay soo Gudbisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo khamiis walba lagu qabto Magaalada Baydhabo ayaa waxaa diirada lagu saaraa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Koonfur Galbees iyo dardar gelinta howlaha Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor