Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland oo fasax galay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland  Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa Xildhibaannada Dood ka yeesheen xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha Doorashooyinka heer Federal, iyadda oo uu ku ekaa maanta 45 cishe oo uu furnaa Kalfadhiga 49-aad.

Intaa kadib 6 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyey in Golaha fasax galo maadama duruufo badan dalka ka jiraan, wakhtigii Kalfadhigana uu maanta ku eg yahay, waxaana  cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyay 39, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 mudane.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu Golaha uga mahadceliyey sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen shaqooyinkii Dastuuriga ahaa mudadii uu socday kalfadhiga 49-aad, wuxuuna Guddoomiyey in kalfadhiga 49-aad uu xiran yahay Goluhuna uu fasax geli doono ayna isu soo noqon doonaan June 15, 2022.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor