Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed.
Madaxda Golaha Wadatashiga iyo Bulshada Rayidka ah ayaa waxaa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Isniinta ka furmay Teendhada Afiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco ah galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana looga hadlayaa doorashada dalka iyo dardar-gelinteeda.
Madaxda ayaa si gaar ah diirada u saaraya hufnaanta doorashada, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sii amba qaadi doona doodo kala duwan oo ay ka yeelanayaan ajendayaasha horyaalla Shirkooda oo ay ugu weyn yihiin Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.
Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa shalay kulamo la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta, iyagoona kala hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada