Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la yeesha Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed oo ay ka wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu shalay soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranku.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku afgartay in la dar dargeliyo doorasooyinka, lana hirgeliyo habraacyadii uu Guddiga soo saaray.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble  oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhan kale kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha BFS.

Rooble iyo Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulamada dhacay ayaa waxaa ay kusoo aadayaan, iyada oo shalay Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo saareen habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyada oo xusid mudan tahay in Midowga Musharaxiinta ay kasoo horjeedan habraaca.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor