Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan uga socda Muqdisho

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqda Muqdisho ayaa haatan waxaa ay kulan la leeyihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulanka Golaha iyo Midowga ayaa looga arrinsanayaa cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta iyo sidii loo dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Midowga sidoo kale ka dhageysanaya tallooyin ku aadan doorashada dalka, waxaana kulanka oo ka socda Teendhada Afiysooni ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee dalka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka Wadatashiga oo Maanta galay maalintii 6-aad, iyadoona Shirka diirada lagu saarayey saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha ay is afgarad ka gaareen Qodobada Shirka intooda badan oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka oo la sheegay in la isku raacay in lagu wareejiyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor