Golaha Shacabka oo Ansixiyay Mooshinkii loo gudbiyay Guddoonka Golaha

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedederaalka Soomaaliya ayaa kulan waxaa uu weli uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadlayo Ajendo muhiim ah.

Kulanka oo ah kii 5-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 143 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay dhameystirka dooda ku saabsan xeerka qoondada haweenka, iyadoona shalay ay Xildhibaanada dood kulul ka yeesheen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay mooshinkii shalay loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana ay ku saxiixnaayeen 132 Xildhibaan.

134 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ogolaaday in kuraasta haweenka aan lagu darin kuwa raga oo loo gaar yeelo doorashada soo socota, 7 Xildhibaan ayaa diiday.

Xildhibaanada ayaa shalay gudbiyay Mooshin ahaa in kuraasta Xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada Golle ee Baarlamaanka ay ku tartamaan doorashada soo socota keliya haween si loo xaqiijiyo qoondada haweenka, isla markaana aan la isku darin kuraasta haweenka iyo raga ee labada Golle ee Baarlamaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media