Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay Guddi u xilsaaran A/Bulshada iyo dhaqaalaha

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa shirkii ugu horreeyay u qabtay Guddi heer Agaasimayaal ah oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee u xilsaaran arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Dr. Cali Ciise oo shirka furay ayaa sheegay in ujeeddada Guddigan loo aasaasay ay tahay inay Golaha kala shaqeeyaan diyaarinta Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale oo toddobaadkan lagu daahfuray magaalada Muqdisho.

Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ayaa waxa ay diiradda saaraysaa in la dejiyo hiigsiga dhaqaalaha Soomaaliya ee soddonka sanno ee soo socda, iyada oo loo marayo wada-tashiyo lala samaynayo hay’adaha ay khusayso ee Dowladda.

Sidoo kale dejinta hiigsiga dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa diyaarinteeda ku hawlan xubno ka tirsan La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo cilmibaarayaal madaxbannaan.

Wasiirka Qorshaynta Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shirka soo xiray ayaa Guddiga kula dardaarmay inay si hagar la’aan ah uga shaqeeyaan sidii looga miradhalin lahaa diyaarinta Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale oo looga dan leeyahay in lagu horumariyo Soomaaliya, iyada oo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor