Golaha ammaanka QM oo kulan deg deg ah ka yeeshay Xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa kulan deg deg ah waxaa ay ka yeesheen xaaladda siyaadeed ee Soomaaliya, waxaana ay baaq  u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ah.

Kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen magaaladda New York ayay kaga hadlen xaaladda Soomaaliya, waxaana Madaxda Soomaalida loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka uga qabtaan doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda caddaalad iyo xasilooni.

15-ka xubnood ee golaha ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan loo baahan yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho ay dhammaan dhinacyada ka qayb galaya ay ku qanacsan yihiin, golaha ammaanka ayaa isla qaatay Qoraal ay soo diyaarisay Dowladda Ingiriiska kaasi  oo walaac looga muujiyey xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

Wada hadalada u socda Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa ilaa hadda laga gaarin wax Natiijo ah, waxaana jira khilaaf xooggan oo ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay walaac ka muujiyeen qaabka ay Dowladda Soomaaliya wax u waddo, waxaana ay sheegeen in Dowladdu ay caqabad ku tahay qabsoomidda doorashada, halka Dowladduna ay eed culus u jeedinayso labada maamul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor