Golaha Ammaanka oo Ansixiyey Hawlgalka ATMIS ee beddelaya AMISOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod la isku raacay ku ansixiyey hawgalka cusub ee nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somalia, ee loosoo gaabiyo ATMIS, oo bedelaya hawlgalka Midawga Afrika ee haatan ee AMISOM.

Qaraarka lagu meelmariyey hawlgalkan cusub ayaa lagu xusay in si aayar-aayar ah loo dhimo shaqaalaha hawlgalka oo haatan ah illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, ilaa la gaarsiyo eber sannadka 2024.

Hawlgalkan cusub ee ATMIS oo bedelaya hawlgalka AMISOM oo wakhtigiisu ku ekaa Khamiistii shalay ahayd, ayaa ka shaqayn doona inuu u diyaariyo laamaha ammaanka ee Soomaaliya inay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo bishan hayey xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee wareega ayaa ku dhawaaqday in qaraarkan la meermariyey, ka dib bilo badan oo la soo yeeshay wadahadalo wax ku ool ah.

Bilawgii bishii hore, ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu taageeray sii socoshada hawlgalkan, isaga oo ku taliyey in hawsha dhimista loo qaybiyo illaa afar weji.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor