Golaha Ammaanka ee QM oo sii kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay waxa loogu yeero koox argagaxiso ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto.

Qaraarkan oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.

Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.

Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor