Goddoomiyaha Golaha shacabka oo gaaray Baydhaba iyo ujeedka safarkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi.

Safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ee Baydhabo ayaa warar hoose waxaa ay sheegayaan in uu la xariiro arrimaha doorashooyinka gaar ahaan tan Golaha Shacabka, xili dhawaan ay billaaban doonto doorashadu.

Dhammaan degaanada Maamul Goboleedyada dalka ayaa haatan u diyaar garoobay doorashada Golaha shacabka, waxaana magaalooyinka waa weyn ee dowlad Goboleedyada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor