Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo laga helay Kiisas Coronavirus

Waxaa la xaqiijiyay labo qof oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus kuwaas oo ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooy bari ee Kenya, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee Kenya.

Labadan qof ayaa la sheegay inay kasoo safreen magaalada Mombasa ee ku taalla gobolka xeebta.

Wasiirka wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in 14 qof oo hor leh in uu ku dhacay cudurka Coronavirus gudaha dalkaas.

Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 guud ahaan Kenya waxay gaarayaan 172 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media