Gobolka Soomaalida oo lacag iyo xoolo nool ku taageeray Ciidanka Itoobiya ee la-dagaalamaya TPLF

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas ee u dhexeeya Ciidanka Milateriga Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigree-ga.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday taageerada dagaalka Ciidanka dowladda Federaaalka Itoobiya kula jiraan Ismaamulka Tigree-ga, kaasi oo geystay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in amniga deegaanka uu wanaagsan yahay, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo, waxa uuna xusay in Bulshada looga baahan yahay in ciidamada amniga la shaqeeyaan si looga hortago wax kasta amniga wax u dhimi kara.

Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa 10 Milyan oo Birr iyo 2,000 oo neef ku taageertay ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira Hoggaanka TPLF, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin Ciidanka Milateriga.

Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya ayaa kuwa Tigree-ga ka qabsaday magaalooyin dhowr ah, waxaana dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu galay todobadkii labaad oo xiriir ah, iyadoona uu jiro khasaaro lixaad leh oo ka dhashay dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media