Go’aano laga soo saaray goobaha Ganacsiga Boosaaso oo xiran

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Ganacsatada Magaaladaas iyo Mas’uuliyiin ka socday maamulka Puntland oo uu ku jiray Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Ganacsi ee maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay Boosaaso, iyagoona markii uu soo dhammaaday kulan laga soo saaray Qodobo kala duwan oo ku aadan Ganacsiga Magaalada.

Puntland iyo Guddiga Ganacsatada Xarunta Gobolka Bari ayaa isla gartay in gelinka dambe ee Maanta dib loo furo goobaha Ganacsiga Boosaaso oo lix maalmood xiran, si shacab ay wax uga iibsadan Suuqyada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla qaatay in la furo Dekadda weyn ee Boosaaso oo kahad gashay shaqadii ka jirtay halkaas, isla markaana wax kasta oo Ganacsi ka jiray Magaalada sidii horey loogu celiyo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in la furo goobaga Ganacsiga, kadib markii ay u xirmeen sababo la xiriira Sicir barar xoogan oo jiray.

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in la fuliyo Go’aankii shalay ee Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ee ahaa Bangiga Dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha in ay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.

Si kastaba goobaha Ganacsiga Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii lasoo dhaafay xirnaa, waxaana Magaaladaas ka dhacay Banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday Sicirka jiray iyo diidmada lacagta Shilinga Soomaaliga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media