Go’aamo kasoo baxay Shir Deg-deg oo yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga deegaanada Galmudug iyo Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhameystirka doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa dood dheer laga yeeshay sugida amniga deegaanada Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaadeen xiisad u dhexeeysa Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna oo la wareegay Magaalada Guriceel.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in la dardar-geliyo howlaha lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Galmudug, isla markaana waxaa uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor faray Saraakiisha Ciidamada inay sii laba jibaaran xaqiijinta amniga.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah, waxaana farriintaas ay tahay mid ku socota Ahlusunna Waljameeca.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dalbaday in dardargeliyo howlaha doorashooyinka ee Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, iyada oo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

Kulankaan deg-dega ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa u kusoo aaday, iyada oo gelinkii dambe ee shalay uu xilka iska Casilay Wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo shaaciyay inay isaga iyo Madaxweyne Qoorqoor isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo Ahlusunna oo qabsatay deegaano ka tirsan Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor