Gen. Indha-cadde oo shaaciyay cidda laga difaacayo Musharaxiinta Madaxweynaha

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa ka hadlay cida laga difaacayo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ilaalada Ciidanka amniga Musharaxiinta.

Indha-cadde oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha laga difaacayo cidii leyday Askartoodii oo guryahooda ugu dhacday mid kamid ah Musharaxiinta xiligaan.

Waxaa uu sheegay Indha-cadde in cidda sida rasmiga looga difaacayo ay tahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo, maadaama la isku haayo arrimo la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa 2020/21.

“Midowga Musharaxiinta waxaa laga difaacayaa ciddii mid ka mid ah musharaxiinta weerartay oo layday, oo istaafkooda layday, oo guryahooda ugu dhacday, oo ku dhaawacday, ciddaas ayaa laga difaacayaa, waana la yaqaan ciddaas cidda ay tahay, waana cidda hadda diidan sharciga iyo dastuurkii la qortay” ayuu yiri Indha Cadde.

Isaga oo sii hadlaayay Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa la weydiiyay su’aalo laheyd Musharaxiinta inuu ku difaacayo hab beeleed, wuxuuna si Cad u sheegay in Musharaxiinta Madaxweynaha uu ku difaacayo hab beeleed.

Indha-cadde ayaa waxaa la sheegay in hadalkii kasoo yeeray ee ahaa in Musharaxiinta laga difaacayo cidii mid kamid ah Gurigiisa weerartay Musharaxiinta uu ula jeeday weerarkii dowladda Federaalka ku qaaday Guriga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha ee fadhigoosu yahay Muqdisho ayaa dhawaan Yuusuf Indha-cadde iyo saraakiil kale u magacaabay sugida amnigooda, waxaana Musharaxiinta sidoo kale ay magacaabeen Guddiga badbaadinta Doorashada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media