Garyaqaan laga codsaday inuu u dacwoodo Haweeney Somali laga soo masaafuriyey Australia.

Dembi-baaraha Madaxa-bannaan ee Xukuumadda ka dhisan Jesiiradda Nauru ayaa laga codsaday inuu gacan dhinaca Sharciga siiyo Haweeneydaasi oo Jimcihii hore laga soo masaafuriyey dalka Australia.

Jesiiradaasi oo ku taalla meel ka baxsan ayaa waxa ku yaalla Xarun lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ah ee ku sii jeeda dalka Australia.

Afhayeenadda Dhaqdhaqaaqa Cagaaran ee Muhaajiriinta ee dalka Australia, Sarah Hanson-Young ayaa maanta  ku dhawaaqday inay ka codsadeen Dembi-baarahaasi oo lagu magacaabo  Phillip Moss inuu taageero dhinaca Sharciga u fidiyo  Abyan.

Afhayeenadda waxay kaloo sheegtay inay Abyan xilligan u baahan tahay Kaalmo, maadaama ay Dowladda Australia ka gaabisay Taageerida Haweneydaasi.

Dowladda Australia ayaa horey u oggolaatay inay Abyan timaado Australia si ay Dhakhaatiirta ugu sameeyaan Hawlgal looga soo xaaqayo Uurkaas, ayaa waxay Dowladda Australia si qarsoodi ah Abyan dib ugu celiyeen Jasiiraddii lagu kufsaday.

Dhinaca kale, Dadweynaha ku dhaqan dalka Australia waxay badankooda ka caroodeen go’aankii ay Xukuumadda Australia ku masaafurisay Abyan, waxayna dibadbaxyo badan ka dhaceen qaar ka mid ah Magaallooyinka waa weyn ee dalkaasi.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor